skriftstørrelse

MAWDUUC 1: UUR?

Sida lagu kasaayo uurka:

  • Caadada kuuma imaaneyso
  • Waxaa helikartaa labbalabbo iyo mattak oo subaxii eh
  • Naasaha oo weynaadeyn oona ku xanuunaayaan
  • Calooshoo weynaatey
  • Kaadi badan
  • Waxaa dareemeysaa hurdo badan

Baaritaanka uurka

Tijaabada uurka waxaa ka gadan kartaa farmashiiyaha iyo dukaamada cuntada qaarkood. Iska fiiri taariiqda ey dhecaayaan. Waxaa oo kale aad ka helikartaa tijaabadaas taqtarka xafiiskiisa, rugaha caafimaadka, iyo xafiisaha Amathea. Tijaabada uurka waxey tuseysaa 99% amaano ah in aad uur leedahay. Marka ugu horeyso aad iska qaadi kartid baaritaankaan waxaa waaye markee aheeyd in ey caadada kuu imaato. Baaritaanka caadada aad bee u fududahay, waxaa la socoto sida loo isticmaalo. Waxeyna qaadaneysaa hal daqiiqo in aad aqrisid natiijada.

Hadey tijaabada tahay positive

HAA

Hadii rabtid in aad sii wadid uurka, waxaa waaye in aad xariir la’yeelatid taqtar, rugaha caafimaadka mise ummuliso si laguu sii dabagalo.

MA’OGID

Hadii aad ka shakisantahay in aad wadi karin uurka mise aad joojin rabtid uurka, waxaad xariir layeelan kartaa qof wayen ammaano ku qabtid iyo aad la’hadli kartid. Tiirmuud Amathea, xafiiska caafimaadka iyo taqtarka waxay noqonkaraan dad aad la hadlikartit. Tijaabo uured, salbatiibo iyo hogaamin waxa waaye wax aan lacag ahayn xafiisaha dhan ee Amathea.

MAYA

Hadii aad rabtid in aad iska soo ridid ilmaha, waxaa xariir la’yeelan kartaa taqtarka mise isbitaalka kuu soo dhow.

KASHAYEN:?

Su’aalo loogu talagaley gabdhaha:

Side kula tahay sida aad noqon leheed hadii aad helileheed natiijad uureed?

 

Usii soco baabka kale >